Muxuu yahay Geedka Somalia aan looga Faa’iideysanin ee Dunida muhiimka ka ah..?

Health Somalia news

Dhirta looga yaqaano Dalka Somalia (Dacarta Cas) oo ka baxa degaano badan oo Dalka ka mid ah, oo aan Daawo ahaan looga faa’iideysan, inkastoo Dalal badan ay xiligaan daawo ahaan u isticmaalaan, hase yeeshee khubarada dhinaca Seyniska waxay aaminsan yihiin inuu yahay geed dhif ah oo ay adag tahay in la helo…

Horaantii sanadkii lasoo dhaafay, Dr. Mary Barkworth oo baratay Cilmiga Botony, kana ka tirsan Jaamacada Utah State University USA, ayaa geedkan oo afka qalaad lagu yiraahdo “Asphodelaceae” ka heshay degaano ka tirsan Maamulka Somaliland. Markii ugu horreysay waxay ku aragtay madxafka Jaamacadda Hargeysa.

Prof.Yaxye Sheekh Caamir, oo ah Aqoonyahan ku takhasusay cilmiga dhaqaalaha, ayaa sheegay khubarada reer galbeedka ay mar walba magacooda ku qoraan helitaanka waxyaabo caadi ka ah bulshada Soomaalida dhankooda, si fiicanna ay muddo dheer usii yaqaanneen. “Waa la yaab in la yiraahdo ‘Qofkii ugu horeeyay ee helay’, soo annagu iyaga ka hor ma aqoon, oo waalidiinteenu uma isticmaali jirin Daawo ahaan.” ayuu yidhi Yaxye Caamir oo la hadlay BBC-da.

Ka faa’iideysiga Dacarta

Dhanka kale, Prof.Yaxye ayaa Soomaalida ku dhiirrigaliyay inay dhaqaale ahaan iyo dawo ahaanba uga faa’iideystaan geedkan, “Dhaqan ahaan waxaan ugu soo isticmaali jirnay daawo ahaan, laakiin hadda waxaa kale oo looga faa’iideysan karaa in la warshadeeyo oo cabitaan ahaan laga dhigto. Wuxuu geedkan u roon yahay, Bukaanada Macaanka qaba, Kansarka Naaska ku dhaca iyo cudurrada Wadnaha. Annagu waxyaabo badan uma isticmaalo, sababtoo ah ma garaneyno, waxaa kaliya oo aan u isticmaalnaa maqaarka kore.” Ayuu yiri.

273080cookie-checkMuxuu yahay Geedka Somalia aan looga Faa’iideysanin ee Dunida muhiimka ka ah..?
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com