Miyeey Jiraan Dad si Tahriib ah Xajka Ku Tagaan Iyagoo Adeegsanaaya Viisayaasha Booqashada & Cimrada…

World

Warbixin wel wel xambaarsan ayaa daaha ka roogeysa in Sanadkaan ay aad u kordheen tirada Dadka doonaaya in tahriib ah ku soo gutaan Waajibaadka Xajka, iyagoo qaarkood la sheegay iney isticmaalayaan Dal-ku-Galada Booqashada iyo Cimraada isla markaasna Dalal dhowr ah si transit ah u maraan..

Wararka ayaa sheegaya in Howlgal balaaran ay Hey’adaha Amaanka iyo kuwa Difaaca Madaniga ee Sacuudiga ku qaadeen guryo badan oo ku yaal Magaalada Makka waxeyna ka soo qabteen 171.000 oo Qof kuwaasoo isugu jira Muwaadiniin Sacuudi ah iyi kuwo Dalal Shisheeye u dhashay, Dadkaan ayaa la xaqiijiyay ineysan degaan ku laheyn magaalada Makka, Saraakiisha Sacuudiga ayaa uga digay martida Boqortooyada ee haysta dal ku gal booqasho ah in aanay aadin Magaalada makkah oo haatan ay howlaha Xajku ka socdaan.

Maxaa Dadka qaar u aadaan Xajka “fasax la’aan”?

Inkastoo Malaayiin Muslimiin ah ay u hiloobaan xajka sanad walba, kaliya laba milyan oo Muslimiin ah ayaa awood u leh inay xajiyaan hal sano gudaheed, maadaama Masjidka Xaramka uu qaadi karo tiradan marka loo eego tirakoobka rasmiga ah ee sanadkII 2022-ka.

Wasiirka Xajka iyo Cumrada Sacuudiga, Tawfiiq Al-Rabiah, ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Sacuudiga, in ilaa iyo dhammaadka bisha May iyo horaanta June ay imaanayaan ilaa 1-Million iyo 200-kun oo xujey ah oo ka kala socda Dalal kala duwan oo caalamka ah, Si kastaba ha ahaatee, tirakoobyadan kuma jiraan tirada Dadka ku soo galay qaab ka duwan habka-raacyada ay diyaariyeen Mas’uuliyiinta Sacuudiga.

Ku Darsoo Waxaa jira Shirkaddo iyo Shaqsiyaad iidhehyo iyo xayeeysiyo ku faafiya Baraha Bulshada Dadkana ku marin habaabiya iney dhaqaale yar ka qaadayaan si qaab tahriib ah loogu geeyo Dalka Sacuudiga, Dadkaan ayaa la sheegay iney u badan yihiin Dalalka Egypt, Urdun iyo Muwaadiniin Muslimiin ah oo u kala dhashay USA & European Union.

Sacuudiga ay dejiyay Shuruuc lagu qaabilo Wufuudda xujeyda ah ee ka kala imaanaya Dalal kala duwan oo caalamka ah ayaa waxaa jira sababo badan oo qaarkood ku riixaya iney qaataan habab kala duwan oo ay ku gudanayaan waajibaadka xajka, kuwaasoo ay ugu waaweyn yihiin arrimaha dhaqaalaha iyo Da’da.

331280cookie-checkMiyeey Jiraan Dad si Tahriib ah Xajka Ku Tagaan Iyagoo Adeegsanaaya Viisayaasha Booqashada & Cimrada…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com