Share the post "Miyuu Baarista Shidaalka Xeebaha Somalia u Horseedi karaa Dalalka Ugu Qanisan Shidaalka…"
i
Warbixino hordhac ah oo laga helay Baarista ee Markabka Sahminta Shidaalka ee Xeebaha Somalia ayaa daaha ka rogaaya in Dalku uu fure u noqon doono mustaqbalka dhow tamarta Aduunka, iyadoo sahan dhawaan uu sameeyay markabka Oruc Reis ee laga leeyahay dalka Turkiga ayaa daaha ka qaaday gaaska dabiiciga ah ee waaweyn ee ku jira xeebaha Somalia ee Blocks 152 iyo 153…
Xuuraanada la helaayo ayaa tilmaamaya in Baloogyadan shati ahaan loo siiyay shirkadda Dowladda Turkiga laga leeyahay ee TPAO, iyadoo haddii natiijooyinkan ay ku bataan Somalia Exclusive Economic Zone (EEZ), Dalku wuxuu ka mid noqon karaa 10-ka Wadan ee ugu sarreeya kaydka saliidda iyo Gaaska, Tani waxay noqon kartaa isbedel ku yimaada dhaqaalaha Dalka oo muddo dheer la daalaa dhacayay xasilooni daro, horumar la’aan & Hogaamin xumo, ku darsoo haddii si sax ah loo maareeyo, kheyraadkani wuxuu aasaas u noqon karaan koboc dhaqaale iyo xasilooni mustaqbalka fog.
Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Somalia ay noqon karto dal si weyn uga faa’ideysan kara tamarta sanadaha soo socda, awooda dhoofinta gaaska waxay Dalku ka dhigi kartaa mid ka mid ah Wadamada Afrika ee hormuudka ka ah qaybta tamarta. Maalgashadayaasha caalamiga ah ayaa durbaba muujinaya xiisaha ay u qabaan baloogyada xeebaha Somalia, iyadoo baahida loo qabo gaaska dabiiciga ah ay sii kordheyso Aduunka oo dhan, Rajada hantida tamarta ayaa ka caawin karta Dowlada Federaalka horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada, iyo caafimaadka, iyadoo ay ka faa’iideysanayaan malaayiin muwaadiniin ah.