Isbedeladii Ugu Dambeeyay Kulamada Xalinta Khilaafka Doorashada

Somalia news

Maalmahaan Waxaa socday Kulamo wada tashi ah oo u dhaxeeya Madaxda Maamulada Gobolada, Midowga Musharixiinta, Wakiilada Xildhibaanada Gobolada Waqooyiga iyo Wakiilada Beesha Caalamka, kuwaasoo lagu gotfeynaayay Qodobada hor taagan inuu furmo Shirka wada tashiga, iyadoo rajo laga muujiyay Heerka ilaa hadda ay soo gaareen….

Ilo xogogaal ayaa Diinah.com news u sheegay in caqabadaha ugu weyn inuu shirkaasi furmo ayaa la sheegay iney tahay Kalsooni darro u dhaxeeyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland, Jubbaland oo dhinac ah iyo Mr.Farmaajo taasoo salka ku heysa Hab-dhaqanka gurcan Ee Farmaajo kadib weerarkii 19-kii February.

Wararka ayaa sheegaya in Farmaajo uu diiday inuu Ilaaladiisa oo u badan Beeshiisa uu ka soo tago, talaabadaan ayaa la sheegay iney weli caqabad ku tahay in la aamino Maleeshiyaad dharka Dowladda loo geliyay, waxaana la sheegay in Qorshe 2-aad ayaa tilmaamaya (Plan-B) Wasiirka 1-aad uu Kulanka ka qeyb galo isagoo ka wakiil ah Farmaajo, hadii uu oggolaado Waxaa dhici karta inuu shirku furmo.

105990cookie-checkIsbedeladii Ugu Dambeeyay Kulamada Xalinta Khilaafka Doorashada