Mucjiso Lagu Arkay Magaalada Muqdisho

Politics

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in arrin Mujiso ah oo la yaab leh lagu arkay Qeyb ka tirsan Degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho….

Wararka ayaa sheegaya Mucjisadaan ayaa ah in hal meel oo dhulka degaankaasi ah ay dhaqaaqeyso, lana moodo inay wax ku hoos jiraan oo gudaha kasoo riixayaan, waxayna arrintan soo jiidatay dad badan oo ku xoomay goobtaasi oo u dhow jidka Jayga ah Cabulxafiid, xaafadda Kaawo-Godey, iyadooa halkaasi gaareen ciidamada Amniga si dadka faraha badan u kala maareeyaan.

Lama oga waxa goobtaasi ka socda, waxayna dadka qaarkii aamisan yihiin inay tahay wax mucjiso ah ama Jinni halkaas degan oo u baahan oo culimo loogu yeero, halka ciidamada ay doonayaan in laga baaro waxyaabo qarxa ama qalab kale.

Sanado ka hor waxaa xaafad u dhow goobta maanta arrintan lagu arkay ka dhacay xaalad kale oo yaab leh markii Guri la deganaa laga dareemay inay ka shaqeynayaan wax aan loo jeedin, iyadoo alaabta guriga iyo agabka yaalla la qaadayo.

36990cookie-checkMucjiso Lagu Arkay Magaalada Muqdisho