Ciidamada Dowlada Oo Isku Rasaaseeyay

Politics

Faahfaahin ayaa laga soo sheegaya Is-rasaaseyn la sheegay inuu ka dhashay Qaadka sida qarsoodiga ku soo gala Muqdisho oo xalay ka dhacay Degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir….

Is-rasaaseytaan ayaa u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan Maaulka degmada Kaaraan iyo ciidamo kale, iyadoo isku dhacdaan xoogiisa uu ka dhacay wadada mariino oo ka tirsan degmada Kaaraan una dhaw Hoyga Senator Muuse Suudi Yalaxow.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada maamulka degmada ay weerareen ciidamo ka tirsan Dowladda oo qaybsanayay qaad si qarsoodi ah Magaalada ku soo galay, iyagoo isku dayay iney ka qaataan qaadka sida dadka degaanku sheegeen.

Rasaas xoogan oo ay isweydaarsadeen labada dhinac ayaa laga maqlay degmada Kaaraan iyo degmooyinka la deriska ah sida Shibis, Yaaqshiid & C/casiis.

Weli lama oga Khasaaraha ka dhashay dagaalka maadaama xiliga ay habeen aheyd maamulka degmada Kaaraana kama hadlin.

27990cookie-checkCiidamada Dowlada Oo Isku Rasaaseeyay