Mudane Ka Tirsan Baarlamaanka Kenya Oo Xalay Lagu Dilay Magaalada Nairobi..

Africa News Security

Faahfaahin hordhac ah ayaa laga helayaa Dil xalay fiidkii abaarihii 19,30 pm dil toogasho ah loogu geystay Xildhibaan laga soo doortay degaanka Kasipul ee Home Bay County ee Xisbiga ODM, iyadoo falkaan ay geysteen 2-Dabley ah oo saarnaa Mooto, xilku uu ku dhex jiray Gaarigiisa magaalada Nairobi..

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaanka la dilay lagu magacaabi jiray Charles Ong’ondo, xili uu gaargiisa ku dhex jiray, Labada nin ayaa muddo daba socday Gaariga Xildhibaanka, iyagoo rasaas ku furay, taas o keentay inuu meesha kuu geeriyoodo, sida ay ay sheegeen Hey’adaha Amaanka ee dalka Kenya, waxaa toogashada ka badbaaday Wadihii Gaariga.

Dalka sanadahaan waxaa aad ugu soo badanaayay beegsiga Siyaasiyiinta, Waxgaradka iyo Xildhibaanada oo inta badan la kulmo Dil, Dhaawac, Hanjabaadyo iyo Afduub, waxaana ugu dambeeyay kiiska Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed oo ka tirsan Golaha Degaanka Dela ee Ismaamulka Wajeer, kaas isna oo horay loogu afduubtay waddada Enterprise ee magaalada Nairobi.

370560cookie-checkMudane Ka Tirsan Baarlamaanka Kenya Oo Xalay Lagu Dilay Magaalada Nairobi..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *