Muuse Biixi Oo Olole Doorasho & Abaabul Dagaal ka wada Degaano ka tirsan Gobolka Togdheer..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Tuulada Oog oo ka tirsan Gobolka Togdheer ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ku hadlay Xoogag Hubeysan oo dagaal rogaal celis ah loo diyaariyay ayaa sheegay iney diyaar u yihiin sugida amniga xaduudaha iyo soo celinta waxa ugu yeeray dhulka Somaliland…

Muuse Biixi isagoo la hadlay askar lasoo tubay ayuu sheegay in dagaalku uusan dhamaan ilaa guusha u dambeysa la gaaro, isagoo jabkii 25kii Augustna 2023-kiina kasoo qaaday maalin meel laga kiciyey oo aan wax weyn aheyn, laakiin ay deg deg Somaliland ugu laaban doonto, wuxuuna intaasi raaciyay “Xasan Shiikh waan iska celineeynaa, waana la dagaallamaynaa, horayba Abbayaasheen iyo Awoowyaasheen wey iska celiyeen…” ayuu Muuse ku guubaabiyay Maleeshiyo beeleedyada.

Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in 3-dii Maalmood ee la soo dhaafay ay Ethiopia u daabusho dhinaca Maamulka Somaliland, Saanad Ciidan, taasoo qeyb ka ah Is afgaradka ay labada dhinac kal hore gaareen, waxaana la sheegay inuu dhawaan qorsheynaayo inuu duulaan ku qaado Degaanada Gobolka Sool.

Mr. Biixi ayaa imaanshaha ciidanka Masar ee Somalia ku tilmaamay dalab holac ah oo Geeska Afrika u rogi doona aag dagaal, wuxuuna sheegay in mid kamid ah saldhigyada ay Ciidamada Masar la dejin doono degaan ku dhow magaalada Oog oo uu ka hadlayay Muuse Biixi.

340060cookie-checkMuuse Biixi Oo Olole Doorasho & Abaabul Dagaal ka wada Degaano ka tirsan Gobolka Togdheer..