Warbixino Muujinaaya Maraakiinta Kaluumeysiga EU-Da Ee Xeebaha Somalia

Somalia news

Warbixin lagu daabacay Blue Marine Foundation ayaa lagu xaqiijiyay in tiro badan Maraakiibta Kaluumeysiga Dalalka ka mid kuwa Midowga Europe ay xaalufin kaluun ka wadaan Xeebaha Somalia, iyagoo aan oggolaasho ka heysan Dowladda Federaalka..

Warbixinaad oo ay soo uruuriyeen Hey’adaha Blue Marine, Oceanmind iyo Kroll ayaa lagu xusay in tiro badan oo Maraakiibta Kaluumeysiga France iyo Spain lagu arkay iyagoo xaalufin kaluun ka wada xeebaha Dalka, macluumaadkaan ayaa lagu xusay in Dowladahaan aysan u hogaamsaneynin xeerarka Caalamiga ah, iyagoo maraakibtooda ka gurta Kaluun sharci darro ah fasaxna u heysan.

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in Saraakiisha Wasaarada Kaluumeysiga ee Dowlada Federaalka ay xaqiijiyeen in wax shati ah ama oggolaasho ah la siinin Maraakiibta Spain iyo France, Maraakiibtaan ayaa sanadihii 2017, 2018, 2019, iyo 2020 si joogto ah u waday xaalufinta Kaluunka, waxaana la sheegay in Maraakiibta Dagaalka ee EU-da ay ilaalo ka hayaan Maraakiibtaan oo dhibaato ku haya Kaluumeystada Somalia.

190430cookie-checkWarbixino Muujinaaya Maraakiinta Kaluumeysiga EU-Da Ee Xeebaha Somalia