2-Muwaadin Caawa Lagu Dilay Muqdisho

Politics

Faahfaahin ayaa laga soo sheegay dil bareer sh oo ay Caawa geysteen Xoogaga Maamulka Farmaajo, iyadoo Dadweyne careysan ay banaanbax rabshado wata caawa ka bilaabeen agagaarka Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho…

Banaan baxayaasha oo ka careysan dilka wiil iyo gabar dhalinyaro ah iyo dhaawaca qofka kale ayaa taayaro ku gubay inta dhaxeysa Isgoyska Jubba iyo dugsiga Bartamaha.

Dilka ayaa goobta ka dhacay abaarihii xilligii Bandowga ee dowladda ku soo rogtay Muqdisho ee 7-da Fiidnimo, kaddib markii kaga soo hormariyay saacad.

Askariga dilka geystay ayaa ka tirsan Xoogaga Amaanka, waxaana la sheegay inuu ku sugnaa barta koontaroolka ee Ciidamada ku hubiyaan gaadiidka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in labada qof ee dilay ay ahaayeen wiil iyo gabar degenaa agagaarka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, kuwaasoo banaanka fadhiyay, waxaana ay ka dhega adeegeen amarka uu askariga siiyay ee ahaa inay xaroodaan maadaama xilliga bandowga ahaa.

Shacabka Muqdisho ayaa walaac ka muujiyay xilliga dowladda soo rogtay Bandowga ee bisha Ramadaan, maadaama 7-da Fiidnimo ay jiraan dad goob kale ka afura ama maqaayado, sidaasna Bandowga u sameynayo, isla markaana salaada cishaha iyo taraawiixda uu saameyn ku yeelanayo.

29740cookie-check2-Muwaadin Caawa Lagu Dilay Muqdisho