Mareykanka Oo 4-Dal Ka soo Qaadaya Bishii 30,000 Oo Qaxooti..

U.S. World

Garsoore Federaali ah oo fadhigiisu yahay Gobolka Texas ee dalkan Maraykanka taageeray qayb ka mida siyaasadda Madaxweyne Biden ee ku doonaayo inuu qaxooti cusub kaga keeno illaa 4-Dal, hase ahaatee ay si aada uga horyimaadeen Gobollada ay maamulaan Xisbiga Jamhuurigu…

Garsoore Drew B. Tipton ayaa ogolaaday in sababo bini’aadanimo in loo keeni karo ilaa 3,000 oo magangelyo doon ah bishii, kuwaasoo laga kala keenayo dalalka Cuba, Haiti, Nicaragua iyo Venezuela.

Maamulka Biden ayaa doonaysa inay muhaajiriinta doonaya inay Maraykanka yimaaddan, inay soo maraan nidaamka magangelyo doonka ee saxda ah, hadiise ay ka weecdaan inay la kulmi karaan tallaabooyin ciqaab adag xambaarsan.

Gobolka Texas iyo labaatan gobol oo kale ayaa xereeyey dacwad ka dhan barnaamijka lagu keenayo muhaajiriinta, iyaga oo ku doodaya inuu keeni doono inay malaayiin doollar ku bixiyaan adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo ammaanka guud ee muhaajiriintaas.

313460cookie-checkMareykanka Oo 4-Dal Ka soo Qaadaya Bishii 30,000 Oo Qaxooti..