Muxuu Salka Ku Hayaa Shirka Laga Qabanqaabinaayo Magaalada Dooxa ee Dalka Qadar Yaase ka Qeyb Galaaya…

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa abaabul xoogan oo Shir balaaran oo loo qabanaayo Qurbajoogta Soomaalida kaasoo la sheegay in Dadka ka qeyb galaaya la soo xulay, laguna wado bisha dambe inuu ka dhaco magaalada Dooxa ee Dalka Qadar, iyadoo Wasaarada Arrimaha Dibeda la sheegay iney wado abaabulkiisa…

Wararka ayaa sheegaya in loo qorsheeyay in Kulankaan ay ka soo qeyb geli doonasn tiro Boqol lagu sheegay oo Qurbajoogta Soomaalida, kaasoo socon doona muddo laba maalmood, waxaana lagu gorfeynayaa sidii wada hadal loo la furi lahaa Horjoogayaal ka tirsan Kooxda argagixisada Shababka isla markaasna saami looga siin lahaa xilalka Dowlada halka qaarkoodna la sheegay in la dejin doono Dalka Qadar sababo amaan awgeed.

Dowlada Qadar oo horey heshiis u fhex dhigtay Dowladii Afghanistan iyo kooxda Talibaan ayaa la rumeysan yahay iney caan ku tahay xiriirada ay la leedahay Kooxaha argagixisada haatan u istaagtay sidii ay u wada hadal siin laheyd Kooxda Shababka iyo Dowlada Federaalka, waxaase shaki laga muujiyay qaabka loo agaasimaayo Shirkaan oo si qarsoodi ah loo wado.

Kulankaan ayaa lagu wadaa iney ka soo qeyb galaan ku dhawaad 300-Xubnood, iyadoo Ajndayaasha Shirka la qarinaayo, talabadaan oo tuhun weyn sii galineysa Qabashada Shirka, ku darsoo Dalka Somalia wuxuu dhexda ka galay Xiisadaha u dhaxeeya Qadar & UAE, iyadoo Khubarada Arrimaha Amaanka sheegeen in Kooxda Shababku aysan aheyn Sida Taalibaan balse ay maamusho Kooxda Al-qa’ida Somalinimada ay ku yar tahay.

333040cookie-checkMuxuu Salka Ku Hayaa Shirka Laga Qabanqaabinaayo Magaalada Dooxa ee Dalka Qadar Yaase ka Qeyb Galaaya…