Hogaamiyayaasha Siyaasadu Waa iney Dib u Eegis ku Sameeyaan Hanaanka Dhismaha Dowladnimada Dalka

Somalia news

In ka badan 9-sano gudahood Dalka Somalia waxay yeelatay seddex dowladood oo la aqoonsan yahay, laakiin waxay weli ku tiirsan tahay ciidammo nabad ilaalin Afrikaan ah, Dadaaladaan dib u dhisida hanaanka Dowladnimo Dalka, waxaa weli uu u dabran yahay Nidaam aan sharci ku fadhin ee loo yaqaan 4,5…

Hanaankaan ayaa la sheegay inuu dib u dhac xoogan ku keenay Horumarinta tayada Wasaaradaha iyo Maamulka guud ee Gobolada, iyadoo Xubahana laga soo xulaayo Beelaha aan loo eegin Kartidiisa iyo Aqoonta uu u leeyahay Xilka Wasaarada balse loogu xusho inuu Koox ama Xarako ku tiirsan yahay isla markaasna uu Jufadiisa ka buuxiyo Xilalka loo magacaabay.

Aqoonyahanno Soomaaliyeed ayaa qaba in Kooxaha sida gaarka ku adeeganaya Xilalka iyo awooda Dowladda Federaalka ama kuwa Gobolada ay dhaawici karaan isku duubnida iyo qarannimada Somalia, waxaana loo baahan yahay in dib u eegis lagu sameeyo Sharciyada iyo heshiisyada hoose inta aan Xilalka loo xulan Xubnaha Wasiirada noqonaaya.

Somalia waxay ku dhisan tahay habka 4.5 laakiin waxay samaysatay dowlad federaal oo u dhaqmaysa sida dowlad la soo doortay. Taas waxaa ka sii daran in Madaxweynaha xilka haya u dhaqmayo sida Madaxweyne aan ka warhayn nuglaanta geeddiga dowladnimo dhisidda Somalia.

Dad Soomaaliyeed ayaa qeybo ka mid ah dhulkooda xoog looga soo barakiciyay sababtoo ah Dowladda Federaalka ayaa wadahadalladdii 2019 Jabuuti ka dhacay u oggolaatay maamulka Somaliland iney la noqon karto xaqa isu socodka.

Isku soo wada duub, 9-sano oo tijaabo Dowladnimo dhisid ah natiijadeedu waxay noqotay kala fogaansho iyo u adeegsiga aqoonsiga dowladda Federaalka fursad shaqsiyaad ku hantiyeystaan kuna wiiqaan maamullada ay u arkaan cadawgooda beel ahaan.

204170cookie-checkHogaamiyayaasha Siyaasadu Waa iney Dib u Eegis ku Sameeyaan Hanaanka Dhismaha Dowladnimada Dalka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com