ONLF ayaa si Adag u Naqdisay Dhawaaq ka soo Yeersy Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia..

Africa News Security Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in Ururks Soomaali Galbeed ee ONLF ayaa sheegtay in nabaddu aysan aheyn hadiyad loo heli karo si sahlan, waxaana hadalkeeda loo fasiray in uu jawab u yahay hadal uu uu Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ka sheegay Gobolka Soomaalida…

In nabad helo ayaa Uruku carrababay inay u baahan tahay in la qadariyo halgamayaashii hore ee guntiga dhiisha isaga dhigay, kuwaa oo nabaddan la haysto keenay, ONLF ayaa ku eedeysay Dowladda Ethiopia inay ka tagtay oo aysan qadarin sida ay hadalka u dhigtay kuwii doorka muhiimka ah ka soo qaatay in la joojiyo colaadihii mudada dheer socday ee Degaanka & Gobolka.

Sidoo kale ONLF ayaa isweydiisay su’aasha ah “Cadaaladda illaa goorma ayaa la sugi donaa” iyaga oo tilmaamay muhiimadda ah in la hirgeliyo cadaalad ka hor inta aysan mar kale colaad soo laba kacleyn.

Sidoo kale ONLF ayaa isweydiisay su’aasha ah “Cadaaladda ilaa goorma ayaa la sugi donaa” iyagoo tilmaamay muhiimadda ah in la hirgeliyo cadaalad ka hor inta aysan mar kale colaad soo laba kacleyn, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo la hadlay Soomaalida Dowlad Deegaanka ayaa sheegay in nabada Deegaanka laga wada shaqeeyo, lagana wadahadlo wixii dhib ah ee jira.

Arintan ayaa ku soo aadaysa xilli Jabhaddu ay banaanka soo dhigtay sida ay suluugsan tahay Maamulka Oramuuma ee ka talisa Addis Ababa, kadib markii dhowr jeer oo hore ay ku eedeysay kala qeybin ay ka wado gobolka Soomaalida.

355710cookie-checkONLF ayaa si Adag u Naqdisay Dhawaaq ka soo Yeersy Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *