Maxaa ka Run ah in Magaalada Baydhabo La Weeraray Hoyga Xildhibaan Federaal ah & Sababta..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in Koox Hubeysan ay Weerar ku qaadeen Hoyga uu ka degan yahay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Somalia, iyadoo lasheegay in mid ka mid ah Ilaalada guriga la jir-dilay…

Wararka ayaa sheegay in Xildhibaan Mukhtaar M.Guuleed oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Hoygiisa magaalada Beydhabo ay weerareen Koox hubeysan oo taageersan Madaxweynaha Maamulka Konfur Galbeed, iyadoo weerarkaani uu dhaawacyo culus loogu geystay mid ka mid ah ilaalada Xildhibaanka kaasoo lagu dhabiibaayo Isbitaal ku yaal Magaalada.

Xogtaan ayaa sheegtay in Weerarka Hoyga Xildhibaanka uu jawaab u yahay kadib markii uu ku (Xildhibaanka) adkeystay inuu taageeraayo Mashruuca wax ka bedelka Dastuurka oo lagu wado in maanta Cod ay u qaadaan Xildhibaanada iyo Senatorada Baarlamaanka Somalia 4-ta Cutub ee ugu horeeya.

318050cookie-checkMaxaa ka Run ah in Magaalada Baydhabo La Weeraray Hoyga Xildhibaan Federaal ah & Sababta..