Puntland Oo Beenisay Iney Gargaar Ka Soo Gaareen

Politics

Faahfaahin ayaa laga soo sheegaya 3-Diyaaradood oo gargaar u sida dadkii Dhibaatada fatahaada ka soo gaareen ee Magaalada Qardho, iyadoo Dowlada Puntland ayaa beenisay sheegashada dowladda federaalka ee ah in saddex diyaaradood oo agab aan cunto ahayn Shalay ka dejiyeen Magaalada Garoowe…

Sheegashadan ayaa waxaa ku dhawaaqay wafdi ka tirsan dowladda oo uu hogaaminayey wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Calaamiga ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka ayagoo la socday diyaaradaha.

Hase yeeshee, Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in agabkaas uu ka yimid Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramadda Midoobay ee loosoo gaabiyo UNHCR, uuna la yaabay sheegashada dowladda.

Diyaaradaha sidday agabka ayaa ka yimid magaala madaxda waddanka ee Muqdisho, halkaas oo laga soo daabulay alaabta muhiimka ah, hase yeeshee ma ahayn agab ay bixisay dowladda dhexe.

“Waxaa isoo gaaraya macluumaad sheegaya in mas’uuliyiin reer Puntland ku meleta dowladda dhexe oo maanta [Jimcadii, 1-da May, 2020] u yimid in dadkooda dhibaatadu gaaray ay soo booqdaan in ay sheeganayeen in [alaabta] ay ka timid dowladda federaalka ah; sidaas maahan alaabtaas waxay ka timid Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay baa lahayd,” ayuu yiri.

Sheegashada mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda ayaa lagu tilmaamay “sumcad ku raadin iyo olole siyaasadeed.” Villa Soomaaliya ayaa gurmadka loo fidinayo shacabka ku ceyrtoobay fatahaadaha Qardho ku taakuleysay hal milyan oo Doolar.

31250cookie-checkPuntland Oo Beenisay Iney Gargaar Ka Soo Gaareen