Ma Dhabaa in UAE ay Qalabkeedii Ciidamada ka Raratay Dekada Magaalada Mogadishu..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Qorshe ka guuris UAE ee Caasimada Magaalada Mogdishu ay Qalabkooda uga raranayaan Dekada Magaalada ayaa laga dareemay, iyadoo dhaqdhaqaaqi u muuqdo iney Gebi ahaan xirayaan Saldhigoodii & Isbitaaladii ay ka howl geli jireen Saraakiisha Ciidamada iyo Howlwadeenada kale…

Xuuraanka la helaayo ayaa u muuqata in Dowlada UAE ay xirtay xaruntooda Tababarada Ciidamada ee Muqdisho, Qalab Milateri iyo agabyo kale oo muhiim ah oo ayee u rarayaan magaalooyinka Boosaaso iyo Berbera, inkastoo warar aan ka xaqiijin ayaa sheegayaan in Magaalada Kismaayo la qorsheeyay in qeybo ka mid ah Qalabkaasi laga dejin doono.

waxaana la aaminsan yahay in howlgalka Imaaraatka ay ka soo gabagabeeyeen Caasimada sababo la xariira isfaham waaga dhinaca Dawladda Faderaalka, oo ay isku fahmi waayeen taakuleynta ciidamada, tababarada iyo sida loo maareeyey baaritaanka xubno muhiim ah oo looga dilay Muqdisho.

UAE ayaa xiriir dhow la leh Maamulada gadoodka ku maqan ee Puntland & Somaliland saameyn xoogan ku leedahay khilaafyada jira, waxayna dhawaan kordhiyeen taageeradooda ay u fidin jireen labadaasi Maamul, iyadoo ay jirto khatar la xiriirta in Dalku uu qaado Wadadi Dalka Sudan oo dib boorka looga jafo dagaalo beeleed.

326610cookie-checkMa Dhabaa in UAE ay Qalabkeedii Ciidamada ka Raratay Dekada Magaalada Mogadishu..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *