Qadar Oo Deeq U Kala Qeybisay Hargeysa & Muqdisho

Health

Maamulka Dooxa Oo 3-sano ee ugu dambeysay gacmo-gacmeyn iyo Siyaasada kala qeybin ah ku hayay Somalia ayaa Markii ugu horeysay Deeq dhan 10-tan u kala qeybiyay Muqdisho iyo Hargeysa…

Dowladda Qatar ayaa deeqdii ugu horeysay ee Caafimaad oo loogu talogalay cudurka Coronavirus soo gaarsiisay Soomaaliya, kadib markii uu amarkeeda bixiyey Amiirka dalka Qatar Tamim Bin Hamad 3-dii bishan May 2020.

Diyaarad ay leeyihiin ciidamada cirka ee dalka Qatar ayaa ugu horeyn qeyb ka mid deeqdaasi ku dejisay magaalada Hargeysa, kadibna waxay Shalay Galab ka soo dejisay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho halkaasoo qeybta kale ay ku dejisay deeqdaas.

Qalabka caafimaad ee dowladda Qatar ku deeqday ayaa waxaa ka mida: Marada afka lagu xirto iyo dharka dhaqaatiirtu xirtaan ee PPE, wuxuuna gaarayey 10 tan, iyadoo 3.5 Tan oo ka mida laga dejiyey magaalada Hargeysa, halka 6.5 Tan la keenay magaalada Muqdisho, waxaana la socday safiirka Qatar ee Soomaaliya Xasan Bin Xamza, iyadoo ay guddoontay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fowziyo Abuukar Nuur.

Waxaa la wareegidda deeqda goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda, Axmed Ciise Cawad iyo saraakiil ka socotay Safaaradda Qatar ay ku leedahay Muqdisho.

Maamulka Dooxa oo dalal badan oo caalamka ah u fidisay deeq Qalab caafimaad ah, ayaa dib u dhac weyn ku yimid dhinaca Somalia oo ka mida dalalka Bariga Afrika ugu horeeya ee uu saameeyay Cudurka Covid-19.

34760cookie-checkQadar Oo Deeq U Kala Qeybisay Hargeysa & Muqdisho