Walaac laga Muujiyey Dembiyada ay galaan Dhalinta Soomaalida ee Denmark.

Health Somalia news

Hey’adaha Amaanka Dalka Denmark ayaa sheegay inay isha ku hayaan dhaqdhaqaaqa dembiyada ay galaan Dhallinyarada da’doodu ka yar tahay 18 jir, kuwaasoo ku soo badanaya dalkaasi, waxaana jira da’yar Soomaaliyeed oo iyaguna dembiyadaas haatan si ka badan sidii waayadii hore u gelaya…

Jaaliyada Soomaalida ee Denmark ayaa aaminsan in dembiyadan laga soo maan guuriyey dalka Sweden oo ah wadanka ugu dembiyada badan Dalalka Iskaandaneefiyanka, gaar ahaan xaafadaha ay degaan dadka ajnebiga ah oo ay Soomaaliduna ku jirto, iyadoo kooxdaan dhibaatooyin dhexdooda ah iyo kuwa Dadka ku hayaan ayna aad u kordheen sanadihii ugu dambeeyay.

Dhalinyaradaan (Ganges-ka) oo magacyo gaar oo afgarasho ah la baxay, waxeyna bilaabeen iney suuqyada dhexdooda isku baacsadaan, Saraakiisha amaanka ayaa sheegeen iney qaarkoid ku hubeysan yihiin Bastooladu si suuq madow ah Dalalka Iskandanefiyanka loo soo geliyo, Dhanlinaradaan ayaa Macaash badan ka sameeya Noocyada Mandooriyayaasha, Buufinka, Kaniiniyada iyo Mukhaadaraadka.

Xarunta qaabbilaadda ee Maria Ungdom oo ku taal Magaalada Stockholm – oo ah xarun lagu caawino dhallinyarada ay dhibaatooyin ka haystaan cabbida khamriga iyo isticmaalka maandooriyayaasha – ayaa sheegtay in inta u dhexeysa %70 iyo 80 ee dhalinyarada lagu qoro xaruntaan waxay inta badan soo isticmaaleen maandooriyaha cannabis, halka ay toban sano ka hor uu khamrigu ku jirey kaalintaas.

302740cookie-checkWalaac laga Muujiyey Dembiyada ay galaan Dhalinta Soomaalida ee Denmark.