Qarax Miino oo Ka Dhashay Dhimasho iyo Dhaawac oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Ceel Dheer..

Somalia news

Warar hordhaca ah ee naga soo gaaray degaanka Gawaan ee Duleedka Degmada Ceel dheer ee Gobolka Galgudud ayaa sheegaya in qarax miino oo nooca Dhulka lagu aaso oo kooxda argagixisada Shababka geliyeen Wadada uu ka dhashay Dhimasho iyo Dhaawac soo gaaray Dad Rayid ah…

Wararka ayaa sheegaya in Marxuum Aways Cali Guure (Butugeey) oo Dhalinyaro degaanka ah uu ku geeriyooday Qaraxa Miinada dhulka la geliyay, halka qof kale uu ku dhaawacmay qarax ka dhacay degaanka Gawaan ee Duleedka Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, Xoogaga Degaanka ayaa sheegay in Miinadaas ay wadada ku Aaseen Al-Shabaab si ay Shacabka iyo Ciidamada ugu dhibaateeyaan.

Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinkii laga xorreeyay kooxda Argagixisada Shababks oo muddo ka badan 15 sano gacanta ku haayay, waxaana amaanka degmadaasi iyo degaanada ku xeeran gacanta ku haya Ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda.

337610cookie-checkQarax Miino oo Ka Dhashay Dhimasho iyo Dhaawac oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Ceel Dheer..