NISA Iyo Galbinta Howlwadeeno Shirkaddo Shidaal Oo Mogadishu Soo Gaaray

Somalia news

Iyadoo dhowaan ay qeylo dhaan ka keenern Midowga Xisbiyada Mucaaradka, heshiisyada la la galaayo Shirkado Shidaalka, kuwaasoo la sheegay in Mr.Farmaajo uu heshiis la gaaray, iyadoo muddo xileedkiisu ay ka harsan tahay wax ka yar 34-maalmood…

Maanta Waxaa la sheegay in la Xiray Wadada ka soo baxday Qeybta Afisione Ee Garoonka diyaaradaha, iyadoo la dhigay Ciidamo NISA u badan kuwaasoo ku hubeysan Gaadiidka Gadiidka, waxaana lagu wadaa in loo gudbiyo Saraakiisha Shirkadda Shidaalka Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia si ay u saxiixaan Heshiis shidaal.

Labada Shirkadood ee loo saxiixayo inay Shidaal ka qodaan ceelasha shidaal ee ku yaalla Xeebaha Hobyo iyo Baraawe ayaa waxay kala yihiin Liberty iyo Coastline Exploration Petroleum oo horay loo oran jiray Soma Oil and Gas.

Shirkada Coastline ayaa waxaa hadda Madax ka ah C/llaahi Shiikhey oo ah nin ku xeeldheer arrimaha qandaraasyada Shidaalka, isla markaana ah ninka haya malafka Shidaalka Somalia.

84280cookie-checkNISA Iyo Galbinta Howlwadeeno Shirkaddo Shidaal Oo Mogadishu Soo Gaaray