Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Muqdishu

Somalia news

War degdeg ah:-Qarax ayaa goor dhow oo fiidnimadii ah ka dhacay magaalada Muqisho gaar ahaan wadada mashquulka badan ee Maka Al Mukarama….

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaaya in Qaraxaan oo ahaa mid xooggan oo laga maqlay meelo badan ayaa ka dhacay Garaad ku dhow inta u dhexeysa Hotel Wehliye iyo Taalada Sayidka ee wadada Maka Al Mukarama.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan loo adeegsaday miino wadada dhinaceeda la dhigay, iyadoo lala beegsaday Gaari iska lahaa Dakhtar Caan ah, waxaana jira khasaare ka dhashay qaraxaasi welina tirakoob sax ah lagama helin.

71080cookie-checkQarax Xoogan Oo Ka Dhacay Muqdishu