Qeylo dhaan Laga Soo Saaray Kenyan Ku Xaniban Somalia

Health

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga soo sheegaya Tiro Muwaadiniin u dhalatay Dalka Kenya Oo ku xaniban Degaano hoos taga Gobolka Jubada hoose, waxaana qeylo dhaan ka soo saaray Qoysaska Xubnahaan, iyagoo Maamulka Uhuruu ugu baaqay iney caawiyaan….

Wararka ayaa sheegaya in Xubnahaan oo tiradoodu lagu sheegay 7-qof ayaa ku xaniban degaanka Raskambooni ee Gobolka Jubada hoose, waxaana magacyadoodu lagu kala sheegay:-

-Patrick Shinula Mwangala

-Martin Mwaghazi

-Ignas Kailu Mwanyumba

-Michael Mjala

-Gabriel Otieno

-Elia Mwlili

-Abas Mutuku

Wararka ayaa sheegaya in Kooxdaan ay bishii January 2020 u dhoofeen Magaalada Kismaayo, iyagoo qandaraas shaqo ku qaatay dhismaha derbiga Kenya ka wado xuduuda ay Somalia la leedahay, wuxuuna qorshahoodu ahaa in Dhamaadka Bisha April ay Dib ugu laabtaan Kenya, balse Ciidamada Amaanka Degaanka Raskambooni ayaa qabtay oo xiray kala wareegay dhamaan Dukumentiyada ay wateen.

Urur kuwa Muslimiinta ah oo u dooda xuquuqda Dadka ee Kenya (Muhuri) ayaa ka codsaday Maamulka Lamu iney gacan ka geystaan sidii loo siideyn lahaa Shaqaalahaan, waxaana maamulka ugu jawaabeen in Dowlada Kenya ay xirtay Xuduuda 14-maalmood sababo la xiriira Covid-19.

31720cookie-checkQeylo dhaan Laga Soo Saaray Kenyan Ku Xaniban Somalia