Sidee Qofku Iskaga Ilaalin karaa Niyad jabka & Rajo beelka Nolosha (Maqaal)…

Health

Nooluhu inta uu nool yahay waxey nolashoosu martaa marxalado kala duwan oo isugu jira Farxad iyo murugo, kuwaasoo ay ka abuurmaan duruufo iyo waayo ku abuura shucuur kala duwan, sida jacayl, nacayb, uurkutaallo, niyadwanaag, rajo, cafiska, qiiro, wacadfur, liidnimo, awood, khiyaamo, daacadnimo, fikir dheer, kalinimo, iyo qaar kale oo la soo koobi karin oo mid kastaa ka dhasho duruufaha iyo xaaladaha ku xeeran Noloshada Qofka…

Dareenadaan oo Dadka qaarkood ku guulaystaan iney maareeyaan kana guulaystaan xaalada adag ee xiligaasi taagan, halka Dadka qaarkiis ay ku keento raad taban oo noloshooda iyo nolosha dadka ku xeeran oo dhan saameysa, waana dareenkaasi dambe dareenka ay Khabiirada Cilminafsigu ku magacaabaan waxa afka qalaad lagu yidhaahdo ‘Negative Energy’ oo aynu ku macnayn karno, ‘Tamarta taban’, gaar ahaan marka uu qofku xaaladaha aynu soo xusnay u gudbinayo dadka ku xeeran.

Iyadoo Khubaradu aaminsan yihiin in marka uu qofku ku jiro xaaladda ‘Tamarta taban’ aanay ka khatar yarayn xaaladaha caafimaadka jireed ee kale, waxyaabaha ay qofka ku keentana ay ka mid tahay in qofku uu si taban u fkiro, niyad-jab aanu danihiisa ku foofi karin, niyad-xumo aanu arkeynin ama aaminayn iney jiraan wax wanaagsan oo uu heli karo ama guul uu gaari karaa, iyo inuu go’aamo qaldan nolosha ka qaato isaga oo mar kasta sheegaya cudurdaarro uu ugu marmarsoonayo fikir iyo go’aanka uu qaatay.

Iska Ilaali in Rayiga Dadka kale raad kugu yeesho

In aad raali geliso Dadka ku kugu xeeran oo dhan waa arrin aan suurtagal ahayn, sidaa awgeed ha isku mashquulin aragtiyahooda taban ee ay kaa aaminayaan, ee keliya ku dadaal in aad adigu raalli ka tahay naftaada iyo ficillada aad ku kacayso adiga oo aan dadaal gelinayn raalligelinta dadka kale.

Iska Ilaali in aad aan xakamaysnayn ula qiirooto dhibaatooyinka dadka kale

Waa ay fiican tahay in Qofku uu mar kasta lahaado dareen bani’aadamnimo oo la xanuunsada dhibta haysata dadka ku xeeran, laakiin waa in aanu ka tegin taxaddarka, gacantiisana aanay ka bixin xakamaynta qiiradiisa, si aanay isagana ugu dhicin ‘Tamarta taban’ oo dhibtaas aanu waxba ka qaban karayn aanay sabab u noqon in uu isaguna galo xaalad kale oo nafsiya oo caqabad ku ah habsami u socodka noloshiisa. La qiiraado dhibaatada dadka laakiin xaaladdooda dusha ha u ridan.

294790cookie-checkSidee Qofku Iskaga Ilaalin karaa Niyad jabka & Rajo beelka Nolosha (Maqaal)…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com