QM Oo Iska Fogeysay Jaamacad Laga Hirgeliyay Muqdisho

Politics

Afhayeenka Qaramada Midoobay Ee Somalia Mr.Ari Gaitanis ayaa sheegay inuusan wax xiriir ah ka dhaxeynin Jaamacad ku suntan magaca UN-Ka Oo laga hirgeliyay degmads Hodan ee Gobolka Benadir….

Wuxuu Sheegay Afhayeenka inuusan jirin wax xiriir ah oo ka dhaxeeya Jaamacada la sheegay in Magaca U.N. lagu furtay, laguna magacaabo United Nation Academy of Somalia (UNAoS), isagoo intaasi raaciyay in ka socdaan dhismaha Jaamacada oo laga diiwaan geliyay Wasaarada Tacliinta ee Dowlada Federaalka.

Jaamacdaan oo uu Hormuud ka yahay Mr.Cali Maxamed Geedi oo la taliye u ah Madaxweynaha Somalia, isla markaasna qandaraasyo kula jira Xafiisyada Amisom iyo UN-ka ee Xarunta Xalane ayaa lagu eedeeyay inuu Magaca UN-ka ku furtay Jaamacada, isla markaasna uu bilaabay inuu khidmad ka qaato diiwaan Gelinta Ardayda Jaamacada Dhaqaale dhan 50-US$ ardaygii.

Qoraal uu soo Saaray Gudoomiye Kuxigeenka Jaamacada Mr.Shariif Amiin ayaa sheegay iney Jaamacada ardayda u diyaarineyso Waxbarashada heerka jaamacadeed ee 22-Master-ka iyo PhD, iyadoo la iska diiwaan gelinaayo qaabka Online ka.

35390cookie-checkQM Oo Iska Fogeysay Jaamacad Laga Hirgeliyay Muqdisho