Share the post "QM oo Walaac ka Muujisay Dadka ka Barakacay Guryahooda ee Dagaalka Hirshabelle.."
Warbixin uu soo saaray Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku-dubaridka Arrimaha Bani’aadanimada ee OCHA ayaa lagu sheegay in 29,600 oo qof ay barakaceen gudaha gobolka Shabeelada Dhexe, halka 1,300 oo kale ay u soo guureen Gobolka Banaadir, waxaana badankood ah yihiin Haween, Caruur iyo Dad Da’a ah..
Barakacaan ayaa lagu fasiray in todobaadyadii ugu dambeeyay waxaa dagaal xoogan oo u dhaxeeya Maleeshiyaadka kooxda Argagixisada Shababka iyo Ciidamada Dowlada Federaalka oo kaashanaaya Xoogaga Degaanka, dagaalkaan ayaa saameyn ky yeeshay Dadka deeganaa Degaanadaasi, kadib markii ay soo baxday warbixin sheegaysa in inka badan 30,000 oo qof ay ka baraceen guryahoodii sida ay aan ka soo xiganeyno Qaramada Midoobey.
Degaanada ay saameeyeen Dagaalada ee u badan inta lagu barakcay gudaha gobolka ayaa kala ah: Ceel-baraf, Biyo-Cadde, Miir-taqwo, Qurac-madoobe, Cali axmed iyo Rage-ceelle, Sidoo kale, warbixinta ayaa sheegaysa in goobaha hadda dadkaasi ay badi u guureen degaanada kala ah Mahadaay, Ceel barwaaqo iyo Degmada Adan Yabaal oo gudaha gobolka ah.
Xafiiska OCHA ayaa sheegtay in Hay’adaha gargaarka ay bixinayaan kaalmo bani’aadannimo, balse ay xadidan tahay taageeradaasi sababo la xiriira dhaqaale yari, caqabado dhanka gaarsiinta ah iyo Cabsi ka taagan goobaha dagaaladi ka socdaan.