Qorqor Oo Xaalad Cabsi ah La Soo Deristay

Somalia news

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo marar badan ku cel celiyay inuu yahay siyaasi dhaxdhaxaad ah oo isku wadi kara Muxaafid iyo Mucaarad ayaa ugu dambeyn lasoo baxay wajigiisa dhabta ah ee guulwadeynta iyo sida uu u taageersan yahay Mr.Farmaajo…

Mr.Qorqor oo ka mid ahaa Maleeshiyaadkii ka soo qeyb qaatay dagaalada sokeeye isla markaasna lagu tuhmaayo inuu dilal badan oo qorsheysan ka qeyb qaatay, iyadoo lagu eedeeyay inuu si dadban u maamulo Maleeshiyaadka Moryaanada Saadiq John Iyo Farxaan Faroole, ayaa xiligaan wajahaaya xaalad adag kadib markii uu la saftay Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo oo muddo xileedkiisu dhamaadka yahay.

Warar hoose ayaa sheegaya in Madaxweyne Qoor Qoor hada lumiyay sumcad badan uu lahaa uuna xiligan wajahayo culeesyo siyaasadeed oo uga imaanaya dhinacyo badan gaar ahaan siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada Galmudug, waxeyna si cad ugu sheegeen Mr.QorQoor inay kalsoonidii kala noqdeen una diyaar garoobo dagaal siyaasadeed oo dhankooda uga imaan doono maadaama uu ku balan furay.

Xogo loo qaateen ah Ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Mr.Qorqor uu sidoo kale cabsi badan ka qaba inuu dib ugu laabto deegaanada Galmudug gaar ahaan magaalada Dhuusomareeb uu ka cabsi qabo in marka uu tago buuq siyaasadeed iyo kacdoon kala kulmo Bacdamaa Uu Mas’uuliyiinta qaarkood u balanqaaday inuu Dhaqaalaha Ka keenaayo Heshiiska Shidaalka kaasoo lagu hungoobay.

85880cookie-checkQorqor Oo Xaalad Cabsi ah La Soo Deristay