Qorax-Madoobaadka La Saadaalinaayo inuu Somalia Dul Mari Doono & Digniinaha Caafimaadka Indhaha..

World

Waxaa la saadaalinayaa in Dalal Badan oo ay Somalia ku jirto ay noqon doonaan meelaha Qorax-Madobaadka marka la gaaro 2-da Agoosto Sanadka 2027-ka, sida ay saadaaliyern Khubarada Cilmiga Xiddigaha, iyadoo uy kasoo bilaaban doono Dalka Spain isla markaasna ku dhamaan doono Dalalka Geeska Africa..

Qorax-Madobaadka oo la saadaalinaayo inui gaaro 260-KM oo balac ah ayaa lagu wadaa inuu dul maro Dhismayaasha Ahraamta ee Dalka Masar, Dhagaxa caanka ah ee Gibraltar ee xeebaha Konfurta Spain, wuxuuna ku dhawaan doona Waqooyiga Africa, iyadoo ay Khubaradu ka digeen heer kulka sareeya ee Qorax-madoobaadka.

Sida ay qortay Mareegtada Space.com dhacdadaan ayaa la filayaa in Sanadkaasi ay dalxiiaayaal badan u daawasho tegi doonaan Dalalka Spain iyo Masar, inkastoo Aqoonyahanada Caafimaadka ay digniino xagfa araga ah ka soo saareen Qorax madobaadka.

334110cookie-checkQorax-Madoobaadka La Saadaalinaayo inuu Somalia Dul Mari Doono & Digniinaha Caafimaadka Indhaha..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *