Qorshe Dib Loogu Howlgalinaayo Shirakadii Diyaaradaha ee Somali Airlines Oo Bilaawday…

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qorshe dib loogu howlgalnaayo Shirkaddii Somali Airlines ayaa la sheegay inuu maraayo meel wanaagsan, iyadoo Guddi ku howlan meel marinta arrintaasi ay ka shireen lana uruuriyay Macluumaad dhameystiran oo la xiriira arrintaan…

Wararka ayaa sheegaya in Qorshe kale oo barbar socda dib u howlgelinta Shirkadaan ayaa la sheegayaa inuu yahay xaaladaha ay ku sugan yihiin Garoomada Diyaaradaha ee gudaha Dalka oo uu sheegay in intooda badan ay yihiin kuwa jaay ah oo ay fadhiistaan biyaha xiliyada Roobabka, marka laga reebo Garoomada kala ah Muqdisho, Barbara, Hargeysa, Garoowe, Kismaayo iyo Baydhabo oo ah kuwa Laami ah oo waqti kasta diyaaraduhu ka dagi karaan.

Xaalada Garoonka Diyaaradaha Magaalada Mogadishu ayaa la sheegay iney ka jiraan ciriiri xagga dhulka ah, iyadoo hareeraha wadada Diyaaradaha ku degaan ay wada dageen Safaaradaha Shisheeye, iyadoo dhulka ugu balaaran ay qaateen UK & USA, waxeyna talaabadani horseeday in loo baahan yahay in Garoob cusub loo dhiso Magaalada Mogadishu, waxaana dib loo soo nooleeyay Qorshe hore oo ahaa in Garoon Diyaaradeed oo cusub laga dhiso inta u dhaxeysa Degaanka Warshiilh iyo Magaalada Mogadishu.

331700cookie-checkQorshe Dib Loogu Howlgalinaayo Shirakadii Diyaaradaha ee Somali Airlines Oo Bilaawday…