Maxey Ka Dhigan Tahay Maqnaanshaha Basaas Fahad Ee Xaflada Dhaarinta Xildhibaanada

Somalia news

Is-jijiid dheer oo muddo dhowr bilood ah socday kadib, Waxaa lagu wadaa in Maanta lagu qabto Teendhada Afisioni xaflada dhaarinta Xildhibaanada cusub Ee 2-Aqal Baarlamaanka 11-aad, iyadoo ay ka soo qeyb munaasabadaasi geli doonaan Wakiilada Beesha Caalamka ee daneeya Arrimaha Somalia…

Inkastoo Xafladaan uusan dib u dhac ku imaanin, isla markaasna ay diyaar yihiin 245-Xildhibaan & 54 Senator, ayaa hadana waxaa isbaaro u dhigtay Maamulka Konfur galbeed iyo Kultada Xildhibaanada NISA ka soo galay kuwaasoo saluugay Sida loo maareeyay 4-ta kursi Oo ay Guddiga Doorashada heer Federaal Ay hakiyeen kuwaasoo ka dhashay muran xoogan.

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah Kultada NISA ma sii wadi doonaan cabashada Ida ku aadan Hop#086 mise Xildhibaanada Konfur ayeey Maanta soo raaci doonaan oo waa ka qeyb geli doonaan Xaflada dhaarinta, halka Fahad uu ku mashquulsan yahay iney Maxkamada Sare u xukun sad-buursi deg deg ah u soo saarto.

Taageerayaasha Farmaajo Oo Fahad u bixiyay “Mr.Hagaajiye” Oo macnaheedu yahay inuu xiriir hoose la leeyahay kooxaha qaska ku Amaanka, Doorashada iyo Xasiloonida Dalka isla markaasna jecel in Shacbiga Soomaaliyeed la cabsi geliyo si Doorashada Gudoonka Baarlamaanka u boobaan mar 2-aadna dib loogu soo doorto Farmaajaha fashilmay.

182390cookie-checkMaxey Ka Dhigan Tahay Maqnaanshaha Basaas Fahad Ee Xaflada Dhaarinta Xildhibaanada