Qorshe Halis Oo Xarumaha Madaxtooyada iyo NISA Laga Maleegaayo

Politics

Macluumaad ayaa laga helayaa qorsheyaal halis ah oo Hogaanka NISA ay ka diyaariyeen xiliga kala guurka ah, iyadoo la diyaariyay kooxo wax khaarijiya oo Xiriir dhow la leh NISA iyo Saraakiisha Madaxtooyada…

Xogtaan ayaa Diinah.com la qeybsatay Qoraal sir ah oo si hordhac ah loo soo gaarsiyay Mareegtadaan, ayaa sheegaya in qorshe halis ah oo ay maleegeen Hogaanka NISA,Madaxtooyada iyo Saraakiil ku sugan Villa Somalia, isla markaasna xiriir wada shaqeyn oo qarsoodi ah la leh Kooxaha argagixisada.


Sida ku cad Qoraalkaan kor ku xusan, Waxaa Saraakiisha NISA iyo kuwa Madaxtooyada ay muddo dheer qorsheynaayeen sidii Loo weerari lahaa Xarumaha Madaxweynayaashii hore, Siyaasiyiinta Mucaaradka,Odayaasha Dhaqanka, Aqoonyahannada iyo Waxgaradka ka soo horjeeda Maamulka Farmaajo.

Qorshahaan oo la diyaariyay sanad ka hor, ayaa la filayaa in fulintiisu ay iska Kaashadaan Saraakiisha Beesha Madaxweynaha ee ku sugan Madaxtooyada,NISA iyo Kooxda Shabaabka (Ogow Abuu Mascab) wuxuu ka soo jeeda Beesha Mareexaan wuxuu ku magabaacan yahay Afhayeenka Kooxda Dhanka Maleeshiyaadka.

29280cookie-checkQorshe Halis Oo Xarumaha Madaxtooyada iyo NISA Laga Maleegaayo