Maxaa ka Run ah in Kulankii Madaxweynaha & Sheekh Shariif uu ku soo Dhamaaday Natiijo la’aan..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ayaa laga helayaa Wada hadalo ilaa xalay ka socday Hoyga Ganacaade Macalin Wali ee magaalada Nairobi, oo kamid ah Ganacsatada iyo Waxgaradka Beelaha Mudulood ee laguna wada hadal-siinayay Madaxweynaha iyo MW hore Shariif Sheekh Axmed ayaa soo dhamaaday…

Wararka ayaa sheegaya in Wada hadalkaasi uusan ka soo bixin natiijadii laga filaayay kuna aadan qodobadii Miiska saarnaa, marka laga reebo kulamada iney sii socdaan oo lagu balamay, isku dayga Wada hadalkaan, Madaxweynaha kaga qeybgalay Guri kuyaala Nairobi, oo ay Ergada iyo Ganacsatada ay qabanqaabiyern ayaa diirada lagu saaray in meesha laga saaro Is faham-waaga u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Madaxweyne hore Shariif Sh Axmed, taas oo MW u arko arrin mudnaanteeda leh.

Iyadoo sanadkii hore Madaxweynaga uu mid kamid ah Beelaha Gobalka Hiiraan oo kula shiray Hotel ku yaala magaalada Nairobi, kaasoo kala kulmay dhalexeyn iyo Cambareyn, waxaana lagu sifeeyey dhaqan aan loo baahneyn, ayna ahayd in kala tabashada siyaasada lagu xaliyo gudaha dalka ama ku kalsoonadan Mas’uuliyiinta Golayaasha Federaalka ku metela Beesha.

320660cookie-checkMaxaa ka Run ah in Kulankii Madaxweynaha & Sheekh Shariif uu ku soo Dhamaaday Natiijo la’aan..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *