Qulqulka & Ka Ganacsiga Hubka oo Kenya ka Gaaray Heerkii ugu Sareeyay..

Africa News

Sanadihii ugu dambeeyay Dalka Kenya waxey marti galineysa qulqul tiro badan oo noocyada hubka & rasaasta oo ka soo kala galaaya Dalalka Deriska, waxeyna arrintaani fududeysay kororka dambiyada rabshadaha wata, iyadoo xoogaga Amaanka dalkaasi ay ku fashilmeen iney xakameeyaan…

Hubka sharci darada ah ee sida qarsoodiga ah uga soo qulqulaya xuduudaha dalkaasi ayaa ka dhigtay Dadka Rayidka ah ee Kenyanka ah kuwa ugu badan ee haysta hubka Dalalka Bariga Afrika, sida laga soo xigtay Machadka Daraasaadka Amniga, Tirooyinka ay bixisay Hay’adda Qaran ee tirakoobyada dalka Kenya ayaa muujinaya in burcadnimadu kordhay 20% sanad kii la soo dhaafay.

Sida ay muujinayaan tirakoobyada hubka fudud, kaas oo laga heli karo xoggaha hubka aduunka, illaa 750,000 oo hubka fudud ah ayaa ku jira gacanta Dadka Rayidka ah Dalka Kenya, Taasi waxay ka badan isku darka kuwa ay haystaan milatariga iyo booliska wadankaasi, iyadoo Qiimaha qoriga AK 47 uu qiimihiisu gaataayo 40.000 Kenya Shilin una dhiganta 300-US$.

328910cookie-checkQulqulka & Ka Ganacsiga Hubka oo Kenya ka Gaaray Heerkii ugu Sareeyay..

1 thought on “Qulqulka & Ka Ganacsiga Hubka oo Kenya ka Gaaray Heerkii ugu Sareeyay..

  1. Waa Ifafaalo aan fiiceyn oo horseedi kara dagaal sokeeye ku darsoo Hadda ayeey Mareykanka u soo socdaan

Comments are closed.