Shaqaalihii Safaarada Mareykanka ee Khartoum oo laga Daadgureeyay

Africa News

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ay ka qeyb qaateen Ciidamada Khaaska ah ee USA, ayaa ku guuleystay iney ka daadgureeyaan Diblomaasiyiintii iyo Shaqaalihii Safaarada Mareykanka ee Dalka Sudan oo muddo 7-maalmood ku go’doonsanaa Dagaalada Dalkaasi ka qarxay…

Wararka ayaa sheegay in Ciidamadaan ay ka tagay 16000 oo Muwaadiniin Mareykan ah oo degensa Dalkaasi kana shaqeysanaayay, waxeyna Saraakiisha Ciidamada ay sheegeen ineysan xiligaan macquul aheyn in dhamaan Muwaadinintaasi laga daadgureeyo, dagaalka u dhaxeeya labada garab uu galay maalintiisii 9-aad.

Howlgalkaan ayaa waxaa ka qeyb qaatay 100-Askari oo kuwa khaaska oo watay 3-Diyaaradaha qumaatiga u kaca, waxeyna ku guuleysteen iney ka daadgureeyaan 70-Qof oo isugu jira Diblomaasiyiin iyo Shaqaalaha Safaarada USA ee Khartoum, iyadoo loo daadgureeyay degaan aan la cayimin ee gudaha Ethiopia.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegay iney Dowladaha Djibouti, Ethiopia iyo Boqortooyada Sacuudiga ayaa gacan ka geystay in shaqaalaha laga soo daadgureeyo, dagaalada Sudan ayaa ilaa hadda la xaqiijiyay iney ku dhinteen in ka badan 400-Qof.

252880cookie-checkShaqaalihii Safaarada Mareykanka ee Khartoum oo laga Daadgureeyay