Rajadii Doorashada Oo Mugdi Hareeyay

Politics

Macluumaad hordhac ahaa ayaa muujinaya in Guddiga Doorashooyinka Qaranka uu diyaarayay qorshe cusub oo u muuqda Muddo kordhin Maamulka iyo labada Gole, kadib markii ay yaqiinsadeen ineysan doorasho ka qabsaami karin Dalka Xiligaan, Waxaana lagu wadaa iney hortagaan Baarlamaanka 27-5-2020, iyagoo warbixin ka siin doona xaalada dalka iyo Doorashada…

Ilo wareedyo ayaa Diinah.com u xaqiijiyay in Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka uu hordhigi doono Xildhibaanada Baarlamaanka, talooyin la xiriira in xiligaan uusan dalka ka qabsoomi karin doorasho Qof iyo Cod, Talaabadaan horseedi karta muddo kororsi ay sameystaan Maamulka wakhtiga gabaabsiga ka yahay ee Villla Somalia.

Saaxiibada Somalia, Xisbiyada Mucaaradka iyo Muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa digay in muddo kororsi ay sameystaan Maamulka Villa Somalia iyo Gudoonada Labada Aqal, waxeyna talaabadani horseedi doontaa in Dalka uu cagaha la galo dagaal sokeeye, Iyagoo muddo dheer looga digaayay Maamulka Faraamjo ineysan wakhti badan aysan gelinta diyaarinta shuruucad dalka, Xasilinta Amaanka, xoreynta degaanada weli ku jira gacanta Kooxda Shabaabka iyo qodobo kale.

Wararka ayaa intaasi raacinaaya in Guddiga uu Xildhibaanada Baarlamaanka uu hordhigi doono jadwal cusub oo lagu qaban karo doorasho, muddo xileedka Baarlamaanka iyo Xukuumada ayaa ku eg dhamaadka Bisha Oktobar 2020, iyadoo looga digay Maamulka inuu dalka Qalalaase kadhashay dib u dhaca, waxaana Dhinacyada (Saamileyda siyaasada) loogu baaqay wada hadal iyo hanaan la wada oggol yahay.

34380cookie-checkRajadii Doorashada Oo Mugdi Hareeyay