Sidee Looga Hortagaa Caburinta & Cabsi-gelinta Wariyayaasha Madaxa banaan..

Somalia news

Sanadkii ugu dambeeyay ee Somalia ayaa waxaa walaac laga muujiyay Xaalada Xorriyadda Saxaafadda, iyadoo ay kordheen tirada Wariyayaasha ay Xoogaga Amaanka, Kuwa Warfaafinta ay u geysteen Xarig sharci darro ah, Cabsi-gelin, Caga-juglayn joogto ah iyo Xayiraado ay Maamulka ku soo rogeen, taasoo walaac ku abuurtay Saxafiyiinta…

Wararka ayaa sheegay in Dhaqdhaqaaqayaasha Warbaahinta maxaliga ee Madax banaan iyo Saxafiyiinta free lancer-ka ah ayaa soo tebiya tirada kiisas sii kordhaya oo xarig iyo cabsi gelin joogto ah, iyadoo bartilmaameedsanaya wariyeyaasha tiiyoo aan loo haysan sabab cad, iyadoo tacaditadaan ay ka dambeeyaan sababo siyaasadeed oo suurtagal ah falalkaan guracan.

Kororka falalka sharci-darrada ah ee xariga, oo ay weheliso dhacdooyinka naxdinta leh ee caburinta iyo cabsi gelinta, ayaa waxay farriin qabow u direysaa Bulshada Warbaahinta oo markii horeba ku shaqeynaayay xaalad adag, waxayna Talaabooyinka Dowlaadu qaaday ay hor istaagtaa doorkooda war-tabinta ee muhiimka ah ee ilaalinta Amaanka Wariyayasha.

Wariye Xuseen Maxamed, oo ah Suxufi caan ah oo wax ku qora wararka arrimaha gudaha Soomaalida, ayaa looga yeeray Garsoorka  Maxkamada Gobolka tofobaadkii tagay, iyadoo wax laga weydiiyay warbixin xasaasi ah oo maamulka maxaliga ah ay u arkeen mid aan wanaagsanayn.

Sidoo kale, Weriye kale oo lagu magacaabo Axmed Siciid Axmed oo ah Tafatiraha Shabakadda Wararka Kulmiye ayaa sidoo kale waxaa looga yeeray Hogaanka Baarista Dembiyada, sida uu sheegay SJS, taasoo ka dhalatay war sheegaya in Hogaanka Villa Somalia iyo Kuwa Warfaafinta Dowladdu ay u arkaan Wararka ay tebiyeen kuwa aysan ku qanacsaneyn.

257440cookie-checkSidee Looga Hortagaa Caburinta & Cabsi-gelinta Wariyayaasha Madaxa banaan..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com