Rooble Oo Dejiyay Qorshe Xilalka Looga Qaadaayo Taageerayaasha Farmaajo

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa qorshe balaaran oo Wasiirka 1-aad ee Dowlada Xil gaarsiinta uu ku doonaayo inuu isbedel ku sameeyo tiro hogaanka Wasaarado muhiim ah Howlhaha Dowlada Federaalka iyo Taliyayaal Ciidamo kuwaasoo taageero weyn u haya Farmaajaha fashilmay, waxaana la mid ah kusimaha Agaasimaha Hey’adda NISA oo eedo badan loo heysto…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Wasiirada Arrimaha Dibeda iyo Qorsheynta oo lagu tiriyo iney aad u taageersan yihiin Villa Somalia ayaa ka mid noqon doona qorshaha isbedel ee uu sameynaayo Wasiirka 1-aad Mr.Rooble, waxaana la yabaa in Wasaarado kale loo wareejiyo, halka Taliyayaasha Ciidamada Badda, kan Lugta iyo Agaasimaha KMG ah ee NISA laga yaabo iney xilalkooda ay weyn doonaan qorshaha isbedel ee Mr.Rooble dejiyay.

Sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Somalia, Mr.Cismaan Abokar Dubbe, Golaha Wasiirada ayaa habeen hore taageeray dardargelinta ciidamada amniga iyo sugidda amniga caasimadda, si ay inoogu dhacdo buu yiri doorasho nabdoon oo xasilloon, “Waxaa la ayiday oo la taageeray qorshaha amniga caasimadda oo horey loo ansixiyay, si loo dardargeliyo amniga caasimadda. Amniga caasimadda iyo qorshaha amniga caasimadda oo abuurayay guddi ciidan oo isku dhaf ah, oo ka kooban dhammaan Ciidamada Qalabka Sida.” Ayuu yiri Wasiirka.

159460cookie-checkRooble Oo Dejiyay Qorshe Xilalka Looga Qaadaayo Taageerayaasha Farmaajo