Cabsi Laga Muujiyay Dib u Dhaca Doorashada Oo Saameyneysa Barnaamijka Maaliyadeed Ee IMF-ta

Somalia news

Madaxa Hay’adda Lacagta Aduunka IMF, Laura Jaramillo, safar howleed ku timid magaalada Mogadishu ayaa la kulantay Madaxada Dowlada Wakgtigeedu dhamaaday waxeyna ka wada hadleen barnaamijka Miisaaniyadda IMF ee Somalia oo dib u eegis lagu sameynayo bisha May 2022, Dib u eegistii hore ayaa dhacday bishii November 18,2020…

Hey’addaha IMF iyo Bangiga Adduunka oo la hadlay Farmaajo iyo Wasiirka Maaliyada, ayeey si cad ugu sheegeen inay wax walba oo dhankooda ah istaagayaan haddii aan la dhameystirin dib u eegista maaliyadeed. Talaabadan ayaa keeni karta dib u dhac ku yimaada bixinta mushaaraadka, gunnooyinka, iyo adeegyada kale ee muhiimka ah; waxayna meesha ka saaraysaa hanaankii dhamaystirka deyn cafin buuxda, sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay hey’adda IMF.

IMF ayaa dowladda Somalia uga digtay in barnaamijkeeda maaliyadeed uu joogasan doono haddii aysan iman dowlad cusub xilliga dib u eegista oo ku beegan 17-May 2022, Balse dib u dhaca doorashada ayaan suurtagal ka dhigeynin in dowlad cusub ay diyaar noqoto bisha May, Haddii aanay jirin dowlad cusub oo heysata sharciyad xilligaas, Somalia ayaa lumin doonta tageerada hey’adda lacagta adduunka ee IMF, midaas oo halis gelinaysa barnaamijkii deyn cafinta Somalia iyo kaalmooyinka kale ee ay ku heli jirtay mashaariicda horumarinta iyo kabka misaaniyadda.

Dowlado ay ka mid yihiin Mareykanka iyo Norway ayaa taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba ku bixiyay inay Somalia gaarto barta go’aanka (Decision Point). Bartaas waxay Somalia u sahashay inay hesho kabka misyaaniyadda (budget Support) waana midda suurtagalisay inay dowladda Soomaaliya bixiso mushaarka shaqaalaha iyo ciidamada oo 70% ku tiirsan kaalmadaas.

173010cookie-checkCabsi Laga Muujiyay Dib u Dhaca Doorashada Oo Saameyneysa Barnaamijka Maaliyadeed Ee IMF-ta