Rooble & Siyaasadiisa Laba-Wajiileynta Dalka

Somalia news

Wasiirka 1-aad ee Dowladda xil gaarsiinta Rooble ayaa dhabarka u jeediyay, cidlana kaga dhaqaaqay Hogaamiyayaasha Musharixiinta, kadib markii uu dhaqaale iyo balanqaad your been ah ka helay Dowlada yar Ee Qatar, iyadoo qeylo-dhaan badan ay kasoo yeerayso midowga…

Dad ayaa aaminsanaa in Shaqsiga Rooble uu jilaayay inuu Khilaaf kala dhaxeeyo Farmaajo & Fahad, inkastoo Khubarada qaarkood ay farta ku godeen in Wakhtiga Doorashada lagu luminaayay iyo in Dagaalkii Magaalada Mogadishu oo fursad wanaagsan ay heleen Mucaaradka ay iska lumiyeen kadib markii uu Rooble guryahooda ugu tagay, si Ciidamada looga bixiyo dhufeysyada.

Ilo Wareedyo ayaa xaqiijiyay in Qoyska Rooble la dejiyay Magaalada Dooxa, iyadoo laga soo raray Magaalada Nairobi, Marwada & Caruurta ayaa heysta Dhalashada Sweden, waxaana dad badan isweydinayaa baahida ku riixday Rooble inuu qoyskiisa dejiyo Dooxa, isagoo kala cararay Magaalada Mogadishu.

Dadka ka faalaada Siyaasada ayaa ku fasiray Siyaasada wajiyada badan ee Rooble, isagoo Maamulada Mucaarada u muujiyay inuu la safan yahay, marna jilay inuu mucaarad ku yahay Farmaajo, dhamaan isbedelada fududka ku dhisan ayaa lagu fasiray sidii u qancin lahaa Amiirada saxaraha Doox ku nool, waxaana laga digay inuu Dalka u horseedi doono dagaal sokeeye.

152380cookie-checkRooble & Siyaasadiisa Laba-Wajiileynta Dalka