Qorshe Ka Dhan Ah Hogaaminta Qorqor Oo Xowli Ku Bilaawday

Somalia news

Sida laga soo xigatay Siyaasiyiin iyo Xubno ka tirsan Xildhibaannada Maamulka Galmudug, waxaa xowli ku socda abaabul la doonayo in lagula xisaabtaamo Qoorqor, kaasoo si isku mid ah kaga bilaaban doona Dhuusamareeb, Cadaado, Gaalkacyo iyo Muqdisho…

Ilo Wareedkaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in dhidibada loo taagayo “Golaha Badbaadada & Hoggaan toosinta Galmudug” kaasoo ay si wadajir ah uga qeyb qaadanayaan, Siyaasiyiin, Waxgaradka iyo guud ahaan qeybaha kala duwan uu bulshada ka soo jeedda degaannada Maamulkaasi.

Qorqor, ayaa lagu eedeeyay, wax qabad la’aan iyo inuu ka soo bixi waayay matalaadda siyaasadeed ee Degaanada uu matalo iyo inuu hadda Muqdisho u joogo kala furfurka dadka mideysan ee ka soo horjeeda in Madaxweynihii hore Farmaajo, ku sii sugnaado Madaxtooyada, kadib af-gambigi fashilmay ee 27 December 2021.

Sida ay caddeynayaan xogo hoose, Odayaal xalay la kulmay Qoorqoor, waxa ay ku wargaliyeen, inuu ku qasban yahay inuu raaco guuxa dad-weynaha ama uu iska hilmaayo ka talinta Galmudug, Qorqor, wuxuu ka mid yahay, horjoogayaal ay Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, u boobeen kuraasta ugu sarreysa qaar ka mid ah Maamulada, si ay doorashooyinka heer federaal ugu boobaan.

159100cookie-checkQorshe Ka Dhan Ah Hogaaminta Qorqor Oo Xowli Ku Bilaawday