Saameynta Beelaha ee Isbaheysigii Farmaajo Iyo Kheyre

Politics

Kadib markii la Madaxweyne loo doortay Mr.Farmaajo, ayuu durbadiiba wuxuu kula taliyay Beeshiisa iney Isbaheysi la dhistaan Beesha Wasiirka 1-aad, isagoo ku faanay in Isbaheysigaasi Xasilin siyaasadeed iyo degaansho u horseeday Maamulka Dowliga ah, wuxuuna qorsheynaayay inuu xilka ku sii nagaan doono Muddo xileedkiisa iyo sanadaha xiga…

Mr.Farmaajo ayaa sanadahaan ku caan baxay Qabyaalada iyo sad buursi gaar ah u sameeyay Jufadiisa, isagoo xilalka muhiimka ah ee ilaha Dhaqaalaha, Shidaalka, Safaaradaha iyo Mashaariicda u wada magacaabay Xubno Beeshiisa ka soo jeeda, hambada hartayna wuxuu ku maslaxay Beesha uu xididka la yahay ee Marwadiisa, waxeyna Talaabadaan horseeday in fashil ku yimaado Qorshihiisii iyo hamigiisa Dib u doorashada.

Khubarada ku xeel dheer Arrimaha Beelaha ayaa aaminsan in Sameynta Beelaha Mareexaan iyo Murusade ee Khilaafka iyo Heshiiska u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Wasiirka 1-aad aysan wax bedeli karin labadaan nin, isla markaasna uusan xitaa saameyn ah ku yeelan doonin bulshada Soomaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan beelaha ay ka kala dhasheen.

Maxaa yeelay Farmajo intii uu joogay Villa Somalia Beesha Mareexan ayuu dhibka ugu badan ayuu ugeystay, waxaana uu ku dhax beeray naceyb aan horey u jirin, sidoo kale wuxuu soo dhaweystay jifada uu ka dhashay ee reer Diini.

Si la mid ah, Beesha Murusade, waxaa soo baxday in Kheyre isna uu dhistay si la mid ah tan Farmajo, isagoo Beesha ku dhax abuuray is naceyb iyo sadbursi mid aan horey loo arkin, Kheyre intii uu joogay Villa Somalia waxaa uu siiyey jufadiisa Habarceyno ee uu ka soo jeedo wixii manfac ahaa.

Si kale haddii loo dhigo, kala tagistooda ama wada joogodu waxey fure u noqon soo noqoshada walaaltinimadii dhax tiilay beel kasta waxaana rajo beel noqon doonta oo kaliya aragtidii guracneyd reer Diini ma tahey iyo Habarcayno ma tahey oo noqotay runtii wixii laga dhaxlay Kheyre iyo Farmajo intii ay joogeen Villa Somalia, “Maahmaahdii Oraneysa ‘Labadii Xaaraanta Ku dagaasha Dagaasha”!!.

35320cookie-checkSaameynta Beelaha ee Isbaheysigii Farmaajo Iyo Kheyre