Maxaa ka Run ah Faafinta Siraha Qaranka ee Kooxda Fahad & Fashinta Maamulka Hey’adda NISA

Politics Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa xaqiijinaaya in Hey’adaha Amaanka (Boliiska & NISA) Dowlada Federaalka ay weli si dadban ku jiraan gacanta Maamulkii hore ee Fashilmay (Farmaajo & Fahad), waxaana soo shaac baxaaya qorshe loo soo dhiibay Saraakiil si hoosena u wada xagal daacin iyo faafinta Siraha Qaranka si loogu dhaleeceeyo Maamulka cusub….

Agaasimaha NISA ayaa markii 4-aad Hogaanada Hey’adda ku sameeyay isku shaandheyn, kadib isku dhex yaacii ka dhashay Weerarkii 30-ka saacadood qaatay ee Hoteelka Xayaat ee magaalada Mogadishu, iyadoo Laamaha Hubeysan ee Hey’adda (Gaashan & Duufaan) madaxdooda xilalka laga xayuubiyay, waxaana lagu eedeeyay iney xagal daacin ku wadaan Howlgelinta Hey’adda, welina ka amar qaataan Farmaajo & Fahad.

Wararka ayaa sheegaya in Agaasimaha NISA uu dib u soo celiyay Zakariye Xaaji Ismaaciil oo horey Shababka & Hey’adda uga tirsanaa waxaa loo magacaabay Hogaanka Sirdoonka Gobolada, waxaana la sheegay in Qeybtaan la hoos geeyay Hogaan cusub oo loogu magac daray Hogaanka Sirdoonka Gudaha.

Xogtaan ayaa sheegtay in Taliska NISA Gobolka Benaadir hoos loo dhigay awoodoodii howlgal kadib fashilka Weerarkii Hoteelka, waxaa laga wareejiyay Laamihii (Garoonka Diyaaradaha & Dekeda) iyadoo Agaasimaha la hoos geeyay, sidoo kale waxaa xilkiisa waayay Macallin Yuusuf Madaxa Ilaalada Xarunta NISA.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Cabaas Yacquub oo ahaa gacan-yarihii Eedeysane Fahad Yaasiin isla markaasna soo noqday shaqsiga uga awooda badan Hey’adda NISA ayaa tiro dhowr jeer ah si Qarsoodi ah kula kulmayay Hotel Dorbin Xildhibaan Kulane iyo Najiib, waxeyna ka wada hadleen sidii loo fashilin lahaa Agaasimaha Hey’adda & Maamulka Xasan Sheekh.

Cabaas Yacquub ayaa xiligaan ku sugan Dalka Turkiga, waxaana la rumaysan yahay inuu qaaday Dukumentiyo & feylal sir ah, waxaana kamid ah shirqool been abuur laga diyaariyay afduubki Prof Cabdiwahaab Sheekh ee Nairobi, iyadoo la rabo in lagu eedeeyo Ra’iisul Wasaarihii hore Mohamed Xuseen Rooble loona gudbiyo Dowlada Sweden si loo maxkamadeeyo.

210920cookie-checkMaxaa ka Run ah Faafinta Siraha Qaranka ee Kooxda Fahad & Fashinta Maamulka Hey’adda NISA
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

2 thoughts on “Maxaa ka Run ah Faafinta Siraha Qaranka ee Kooxda Fahad & Fashinta Maamulka Hey’adda NISA

  1. Marka Hey’aad amni loo dhalan rogo mid ciyaal xaafad howsheeda waa un qaade iyo qariye marka dambe iyagaa Hal Hal isu dili.
    Halla iska sugo marka dilka kuwa badan oo Dowladda xubno ka ah uu kordho, iyagaa hurdada laga kici doona.

  2. NISA waa sida geed markii u yar ahaa si qalooc ah u baxay, in la gooyo oo mid kale la abuuro waa lagama maar-maan.
    Waa waajib saaran dadka mas’uuliyiinta ah inay leeyihiin xirfad iyo aqoon shaqo ay ku gudan karaan waajibaadka saaran, Hey’adaha kalenna waa qasab in ay ku deydaan.
    Axmaqa Xijaar, dhiciska Odowaa, Quxuubka Biixi, Dagaal-ooge Fiilish iyo Cali jiko waa in laga nadiifiyaa saaxadda talada dalka.

Comments are closed.