Share the post "Saamiyada Suuqyada Caalamka oo hoos ugu dhacay kadib walaaca laga Muujiyay Dhaqaalaha Mareykanka.."
Saamiyada suuqyada dunida ayaa hoos u dhac ku yimid, ka dib markii ay soo baxday saadaal muujineysa, in dhaqaalaha Mareykanka uu qarka u saaran yahay inuu Recession galo, iyo Hanjabaadaha Madaxweynaha USA ee ah inuu Canshuuraha badeecadaha Dalalka Canada iyo Mexico ku soo rogi doono..
Walaacan dhaqaalaha Mareykanka ayaa loo aaneynayaa arrimo badan oo is biirsaday haba ugu horeyse Siyaasad xumida Mr.Trump ee Ganacsiga badeecadaha kaga yimaada Dalalka Aduunka qaarkood, Waxaa haatan lagu soo warramayaa in saamiyada suuqyada Mareykanka iyo Asia ay hoos ugu dhaceen, kadib walaaca laga muujiyay dhaqaalaha Mareykanka.

Tani ayaa daba socotay iyadoo madaxweynaha oo wareysi uu siiyay TV ku sheegay ,in dhaqaalaha adduunka ugu weyn uu ku jiro “xilli kala guur ah”, markii wax laga weydiiyay uurtagalnimada hoos u dhac ku yimaada ganacsiga, markii hadalladaas la baahiyay Axadii, saraakiisha ugu sarreysa maamulka Trump iyo la-taliyeyaashu, waxay damceen inay dejiyaan cabsida soo food saartay dadka maalgashadeyaasha ah.