Tahriibayaal Soomaali ah & Kuwo kale oo Ku Xayiran Garoonka Diyaaradaha Istanbul

Somalia news World

In ka badan 250 tahriibayaal Soomaali ah ayaa ku xayiran garoonka Istanbul maalmihii ugu dambeeyay, kadib markii uu fashilmay isku day lagu doonayay iney ugu safraan Dalka Nicaragua, iyaga oo ujeedkoodu ahaa in ay si sharci darro ah ku galaan Mareykanka…

Rakaabkii ku xayiran Istanbul ayaa soo food saareen cabsi kadib markii ay  dhaqaale badan galiyay safarkooda, waxaana hadda soo wajahay mustaqbal aan la hubin, kadib markii diyaarada Airbus ee ay u kiraysteen laga joojiyay howlo isdaba joog ah oo ay ku kaceen dullaal Soomaali iyo Turki ah.

Tahriibayaashaan ayaa Dalal dhowr ah ka soo wada jeedaan kuwaasoo kala ah India iyo dalal Qaarada Afrikaan iyo Aasiya ku yaal, waxaans Qofkiiba laga qaaday lacag u dhexeysa 4,000-6,000 oo US$, taasoo u dhiganta lacag dhan laba milyan oo US$.

Bilihii la soo dhaafay Soomaali badan oo ay ku jiraan shaqsiyaad caan ka ah baraha bulshada ayaa u suurto gashay inay si sharci darro ah ku galaan Mareykanka iyagoo sii maray Dalka Mexico.

251700cookie-checkTahriibayaal Soomaali ah & Kuwo kale oo Ku Xayiran Garoonka Diyaaradaha Istanbul