Safaarada Mareykanka ee Ciraaq Oo Digniin Amni Soo Saartay..

Security U.S. World

Qoraal ay soo saartay Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Baqdaad ayeey waxey si dhow ula socodsiineysaa Muwaadiniinteeda iyo kuwa Reer Galbeedka ee ku Dalka Ciraaq gaar ahaan Caasimada ay jirto Dginiino Amni oo xambaarsan suurtagnimada kor u kaca falalka Ururada Hubeysan ee Shiicada dhana ka ah Ajaaniibta..

Qoraalka ayaa lagu boorineyay dhamaan Muwaadiniinta Mareykanka & kuwa Reer galbeedka ee ku sugan Ciraaq inay ka fogaadaan goobaha ay ku badan yihiin Dadka ajnabiga ah iyo meel kasta oo ay isugu yimaadaan ama Isu soo baxyada Xafladaha Dadka badan, iyadoo Dagaalka Israel & Iran uu gaaray halkii ugu sareysay ee burburinta Magaalooyinka & Kaabayaasha Dalalkaasi.

Howlwadeenada Safaaradda Mareykanka ee Baqdaad waxay ka warqabtaa kororka suurtagalka ah ee kor u kaca awooda ururrada argagixisanimada ee ajnabiga ah ee rabshadaha ama weerarada ka dhanka ah Ganacsiyada Mareykanka iyo goobaha ay tagaan muwaadiniinta Mareykanka, waxeyna lioga digay Muwaadiniinta Qorsheysatay iney safaro ku tagaan Dalka Iark Xiliyadaan.

376780cookie-checkSafaarada Mareykanka ee Ciraaq Oo Digniin Amni Soo Saartay..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *