Madaxtooyada Mexico ayaa Iska Iibisay Diyaarad Noocada Raaxada..

World

Madaxtooyada Dalka Mexico ayaa ku guuleystay iney iibiso Diyaarad nooca raaxada oo loogu tala galay Madaxweynaha Safaradiisa dibada, iyadoo iibinta Diyaaradaan ay suuqa ku jirtay muddo 4-sano ah, kadib waxaa lagu guuleystay in diyaaradaan laga dejiyo Fariisinkeeda cusub ee Caasimada Dalka Tajikistan..

Diyaaradaan oo Nooceedu ahaa Boing 767-Dreamliner, ayaa iibinta ka dhigan mid ka mid ah balamihii Madaxweynaha Dalkaasi Mr.Obardor, isagoo iibinta ku tilmaamay iney calaamad u tahay badbaadinta Maamuladii ka horeeyay, waxeyna ka mid aheyd Ololihiisa Doorashada, waxaana lagu iibiyay 92-Millions US$, iyadoo si gaar ah loogu naqshadeeyay Rabitaanka Madaxweynihii dalbaday, taasoo dhibaato ku noqatay in la iibiyo.

Diyaarada ayaa ka soo duushay Gobolka California halkaasoo muddo ku keydsaneyd, waxeyna soo gaartay Caasimada Dushambe subaxnimadii Isniintii, Madaxweynaha Mexico ayaa shaac ka qaaday in dhaqaalaha ka soo baxa iibinta Diyaarada lagu dhisi doono 2-Isbitaal oo cusub magaalooyinka Guerrero iyo Oaxaca, iyadoo Diyaaradaan uu soo iibiyay Madaxweynihii hore Mr.Filip Calderon iyagoo ay ku kacday Adduun dhan 218-Millions US$ sanadkii 2012-kii.

256140cookie-checkMadaxtooyada Mexico ayaa Iska Iibisay Diyaarad Noocada Raaxada..