Safaaradaha Oo Muwaadiniintooda Kala Baxay Muqdisho

Politics

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo laga helay Saraakiil Amaan ayaa sheegaya In Safaaradaha Dowladaha Xiriirka la Leh Somalia ay Muwaadiniintooda ku amreen iney isaga baxaan Somalia, kadib markii uu khalkhal Siyaasadeed iyo amni darro soo food dalka, lagana cabsi qabo inuu dagaal sokeeye ka qarxo….

Dalka Somalia oo ka soo kabanaaya diiftii ay ku reebtay dagaaladii Sokeeye iyo kuwii Kooxaha argagixisada ayaa laga cabsi qabaa in mar kale Dib uu uga qarxo, kadib markii Siyaasada xumo iyo Hogaan Jilicsan oo ku Takri-falay Dastuurkii iyo shuruucdii Dalka, isla markaasna khaladkaasi ay si Indho la’aan ah looga taageeray Safarada USA ee Muqdisho, ayaa hadda hadda cagta saaray wado mugdi ah.

Talada Xumida Mr.Farmaajo, taageerada Mr.Yamamota iyo Maamulka Dooxa ayaa albaabka ufuray in qorshe qarsoodi ah oo ka duwan kii lagu doortay uu fuliyo 3-dii sano ee ugu dambeysay.

-Kala Diristii Ciidamada Xoogga Dalka, Boliiska iyo NISA

-Dhaqan rog iyo beegsi isir qabiil uu ka dhax bilaabay Hey’adaha Dowlada.

-Dhaqaalaha dalka oo loogacan galiyay Koox Gaar ah.

-Weeraro toos ah iyo kuwa dadban oo lagu qaaday Siyaasiin , Dhaqan, & Ganacsado ka aragti duwan Dowlada Farmaajo.

-Dhismo ciidan qarsoon oo aan la ogeyn 4 Talis midka ayka tirsan yihiin ( Ciidan gaaraya 10,000 oo askari ayaa tababar uga soo dhamaaday Dalka Eritrea.

-Khilaafka Madaxtooyada iyo Maamulada.

-Mr.Farmaajo oo aan diyaar u aheyn Tanaasul iyo in doorasho aydalka ka dhacdo 2020/2021.

Saraakiisha Sirdoonada ee Dalalkaasi ayaa kula taliyay in Muwaadiniintooda laga saaro dalka, iyagoo warbixintooda ku sheegay in Somalia ay wajihi doonta dagaal sokeeye, Saraakiishaan ayaa iyagoo laxjecli ka heyso Somalia waxaay xiriiro toos lasameeyeen Madaxtooyada iyo Wasaarada Arrimaha Dibada, NISA si ay talo ugu siiyaan arrimahaan aadka xasaasiga u ah, taladaan oo aan laga soo dhoweynin Madaxtooyada looga sheegay iney isaga baxaan Dalka.

30310cookie-checkSafaaradaha Oo Muwaadiniintooda Kala Baxay Muqdisho