Shaqaale Laga Jartay Gunooyinkii La Siin Jiray

Politics

Faahfaahin ayaa ka soo baxeysa in si rasmiya looga joojiyay gunooyinkii la siin jiray shaqaale ka howlgal garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa, ee ay maamusho xukuumada Muuse Biixi…..

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya In Maamulka Hay’adda duulista hawada oo shaqaalahaan ka howl-gali jirtay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa uga jaratay mushaharkii sabab ay ku sheegtay ‘dhaqaalo xumo soo food saartay oo ka dhalatay cudurka dunida ku faafay ee Coronavirus, sida ilo wareedyo u sheegeen Diinah.com.

Shaqaalahan oo tiradoodu lagu qiyaasay 42-xubnood ooGaroonka Hargeysa ka kala qaban jiray shan meheradood inta aysan xukuumada Biixi cayrin, kuwaasoo iskugu jiray Maamulka macluumaadka hawada, Saadaasha Hawada, Hagidda diyaaradaha, Parking-garaynta diyaaradaha iyo Dab-damiska.

Gunno-joojinta ay Maamulka Farmaajo ku sameysay Shaqaalahaasi ayaa dhaqan-gali doonta 1-da bisha May 2020, sida lagu sheegay waraaqda war-gelinta aheyd ee loo kala direy shaqaalahaasi.

27410cookie-checkShaqaale Laga Jartay Gunooyinkii La Siin Jiray