Shaqsi Dhaqaale Badan Dhacay Oo Lagu Raad-joogo

Business

Qaar ka mida wargaysyadda dalka Kenya ayaa qoray in shaqsi lagu Magacaabo Xasan Nuur, oo dhalasho ahaan ka soo jedo waqooyiga dalka uu dhaqaale Malaayiin lacagta Kenyan ah uu ka dhacay tiro Ganacsato iyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed oo u sheegay in uu ganacsi u galinayo maalgashigooda….

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Xasan Nuur oo ka soo jeeda Beesha Bariga Burco, waxaana caruur u dhashay gabar uu dhalay Madaxweynihi ku Xigeenkii hore ee Taliskii Kacaanka, Mr.Ismaciil Maxamed Abuukar, Mr.Xasan Nuur ayaa Wuxuu sameeystay Shirkad lagu magacaabo Hanvad Africa oo la sheegay in ay qabato howlo lagu sheegay “Consulting, Research and Analysis”. Shirkadaan ayaa horay ugu qabatay magalaada Nairobi ee dalka Kenya bandhig Ganacsi oo ay ka soo qaybgaleen dad Soomaali iyo Ajaaniib ah.

Bandigaas oo lagu sheegay  in uu ahaan “the First Somali Reconstruction and Investment Conference” ayaa la qabtay dabayaqadii sanadkii  2013  iyada oo ay dhaqaale badan galiyeen dad Soomaali ah iyo hay’addo caalami ah oo rajio ka qabay in ay ku liibaan ganacsigooda. Dhanka kale waxa uu lacago kala duwan ka qaaday qaar ka kamida xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliyeed isaga oo u sheegay in uu abuurayo shirkado shidaal oo qayb ka noqonayo shirkdaha Soomaaliya ka soo saari doona shidaalka.

Wararka ayaa sheegaya in hay’adaha FAO, UNDP, UKAID, EU iyo world Bank uu dhaqaale uga qaatay qabashad shirka noocaas ah ayaa hadana waxa uu lacago ka qaatay ganacsato Soomaaliyeed isaga oo sheegay in uu isku xirayo ganacasatada Soomaaliyeed iyo ganacasato caalami ah.

Booliiska Kenya, oo dhowr Dacwo la gaarsiiyay ayaa baadi goob ugu jira sidii loo qaban lahaa Eedeysanaha oo dad badan oo Soomaali ah ay lacagtoodii uga lunsaday ganacsi lagu sheegay “Forex” oo lacagta qalaad lagu sarifo.

Waxaan shaki ku jirin in shacabka Soomaaliyeed ay ka digdoonaan doonaan in ay hantidooda ku aaminaan shaqsiyaad u soo shaqo tagay in ay dhacaan hantida umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan  iyada oo lagu jiro xaaalada dhibka badan oo shacabka Soomaaliyeed soo wajahday .

28310cookie-checkShaqsi Dhaqaale Badan Dhacay Oo Lagu Raad-joogo