Odayaasha Dhaqanka Magaalada Gaarisa oo Baaq u Diray Siyaasiyiinta Soomaalida…

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaarisa ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in Xubnaha Guddiga Nabadda iyo Odayaasha ka soo jeeda Magaalada Gaarisa, ayaa uga digay Siyaasiyiinta ka soo jeeda Dowladda Federalka Somalia, Maamulada Gobolada inay ka waantoobaan Shirarka iyo Ololaha ay ka wadaan Hoteelada ku yaala dalka Kenya…

Odayaasha Dhaqanka ayaa Waxey walaac ka muujiyeen Kulamada isdaba joog ah oo ay wadaan Siyaasiyiin ka soo kala jeeda dhinacyo kala duwan oo ay ku sifeeyeen iney khatar ku yihiin amniga Degaanka, Laakin sida ay odayaashu sheegeen, welwelka welwelka leh ayaa u muuqda inuu sababi karo colaad qabiil oo dhex marta dhinacyada dagaallamaya iyada oo ay dhici karto in qulqulatooyinku ay u soo gudbaan gudaha dhulka Kenya.

Magaalada Gaarisa ayaa door dhexaad ah ku leh siyaasada guud ee beesha Ogaadeen, waana sababta keentay in Siyaasiyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Maamulada Gobolada gaar ahaan Jubbaland & Puntland ee Soomaaliya ay had iyo jeer ku qabasadaan Nairobi shirar ula qaataan Beelaha ay ka soo jeedaan iyo kuwa Mucaaradka.

265260cookie-checkOdayaasha Dhaqanka Magaalada Gaarisa oo Baaq u Diray Siyaasiyiinta Soomaalida…